Tuesday, June 24, 2025

Musharax caan ah oo la sheegay inuu Lacag badan ku lunsaday Dayactirka Tiyaatarka Qaranka

Mid ka mida musharixiinta caanka ah ee u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu soo eedeeyay inuu lacag badan lunsaday.

Musharaxa Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa la sheegay in lacag dhan $900,000 (Sagaal Boqol kun oo Doolar) uu ku soo qaatay dib u dhiska iyo dayactirka Golaha Murtida iyo Madaaladda ee National Thearter-ka magaalada Muqdisho.

Sida lagu sheegay Buug uu dhowaan soo saaray oo lagu magacaabo “Breaking Point in Somalia” oo uu qoray C/risaaq Fartaag oo ahaa Madixii Waaxda Maaraynta Maaliyadda ee Dowladdii KMG ee ugu dambeysay muddadii u dhexeysay sannadihii 2009-kii ilaa 2011, Jabriil wuxuu qaatay lacagtan oo deeq ahayd.

jabril1jabril

C/risaaq Fartaag oo ah nin qoraaladiisa ay ka buuxaan macluumaad fara badan oo muran dhaliyay kana hadlaya lacago la lunsaday iyo musuqmaasuq baahsan oo ka jira Soomaaliya ayaa  hadda ah Madaxa Fulinta ee Shirkadda Fartaag ee Cilmi-baarista iyo La-talinta (The Fartaag Research and Consulting Firm) oo Xarunteeda Dhexe ku taallo magaalladda Nairobi.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dhowaan beenisay qoraal uu qoray oo ku saabsan in Hal Bilyan oo doolar lagu leexsaday Soomaaliya,  Afhayeenka Xafiiska Madaxweynaha Somalia, Daa’uud Aweys ayaa sheegya inuu C/risaaq Fartaag yahay  nin aad loo yaqaano oo soo jeediya Eedeymo been abuur ah iyo inuu xaallad kasta Siyaasadeeyo.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON