Musharaxa u tartamayay xilka madaxweye ku xigeenka maamulka Hirshabeelle ayaa khudbad cajiib ah oo uu ku kashifay wixii ka dhacay doorashada Jowhar ka jeediyay madashii shirka.
Cali Xasan Taakow ayaa tartanka xilka madaxweyne ku xigeenka u taagnaa ayaa sheegay in looga guuleystay inuusan isagu wax lacag ah siinin xildhibaanada, inkastoo aanay lacag la’aan heynin.

“Waxaa leyga guuleystay anigu xildhibaanada lacag ma siin, waxaan fiirinayay tijaabadiina, aad iyo aad u mahadsan tihiin, mushkilada lacag la’aan ma aheyn, lacag waa heystaa” ayuu yiri Cali Xasan oo si geesinimo leh diirka uga qaaday wixii ka dhacay Jowhar iyo lacagta loo adeegsaday doorashada madaxda sare ee maamulka Hirshabeelle.
Cali Taakow ayaa helay 10 cod oo qura, halka musharaxa guuleystay Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) uu helay codad dhan 86 cod.
Goobjooge.com