Musharaxa xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka C/rashiid Maxamed Xiddig ayaa caawa ololihiisii ugu danbeeyay ka wada magaalada Muqdisho.
Xiddig ayaa la sheegay inuu hotel ka mida kuwa Muqdisho ku qaabilayo xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood isagoo aan lacag badneyn u qeybinaya, waxaana ka baaqsaday xildhibaano badan oo diiday inay taageeraan musharaxan.
Rajada musharax C/rashiid ayaa wararkii ugu dambeeyay sheegayaan inay aad u yar tahay iyadoo saadaashu sheegeyso inuu si fudud xilka guddoomiyaha Baarlamaanka ugu guuleysan doono Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo markii labaad ku soo noqonaya Baarlamaanka Soomaaliya.
Goobjooge.com