Sunday, July 13, 2025

Musharax C/raxmaan C/shakuur oo Farmaajo u sheegay shan Qodob caqabad ku ah hogaankiisa

Mid ka mida musharixiintii xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa madaxweynaha cusub u sheegay shan caqabadood ee ugu adag oo hogaankiisa horyaalla.

C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ahaa musharixiintii isbedel doonka, isla markaana ah musharaxa soo dhoweeyay doorashadii Farmaajo ayaa bartiis FB soo dhigay shanta caqabadoo ee hortaalla Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Qodobaddan ayaa intooda badan kuwo aan ka qabad lahayn ama ay adag tahay in la maareeyo.

HOOS KA AKHRI

1- Xoogag xididaystay oo danaysi ku dhisan kuwaasoo dowlada ka awood badan. Waa xoogag dhinac dhaqaale, amni iyo samafal intaba leh.

2- Dalka oo ku jira xaalad la gudoomin oo ay tahay in is ogol wax lagu wado taladuna ay ka dhaxayso Dawlada Federaalka ah, Dawlad goboleedyada, dawladaha deriska dhow iyo kan durugsan iyo Beesha Caalamka. Hadii la soo koobo waa Soomaali is haysa iyo ajnabi ciidan iyo dhaqaale bixiya.

3- Kayd dhaqaalle oon jirin, khasnad maran iyo dakhli kooban. Musuqmaasuq baahay oo saameeyey dhamaan hay’adaha Dawlada, iyo madax macalin ku noqotay sida loo indho sarcaadiyo madaxda cusub loona muujiyo wax qabad looga gaashaanto la xisaabtan dhab ah.

4- Loolan adag oo u dhexeeya deriska dhow iyo kan durugsan oo ku aadan saamayn ku yeelashada Soomaaliya iyo xaqiijinta danaha amniga dalalkooda.

5- Fursad siin la’aanta madaxda, iyadoo ay cid walba ku hanjabayso in ay tabartooda tusayaan hadii ay tooda meelmarin. Ma jirto cid tiisa la qaban karo Hadii aan tan guud la qaban.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON