Musharax cusub ayaa isu soo taagay jagada madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii uu magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, dalka Mareykanka uu kaga dhawaaqay Dr. Cabdinaasir Maxamed inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaga 2016.
Musharaxan ayaa ka mida aas-aasayaasha Xisbiga Gurmad, ahna dhaqtar Soomaliyeed oo kunoolaa gobolka North Caroline ee dalka Mareykanka ayaa xaflad xalay ka dhacday Mareykanka kaga dhawaaqay inuu yahay musharrax u tartamaya xilka madaxweynaha dalka.
“Anigoo tixgalinaya rajada uu qabo shacabka Soomaaliyeed, kuna tartamaya magaca xisbiga Gurmad waxaan idiin caddeynayaa inaan ahay musharrax u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya”
Musharixiinta madaxweynaha dalka ee doorashada soo socota ayaa la filayaa inay noqoto kuwii ugu badnaa taariikhda Soomaaliya.
Goobjooge.com