Monday, June 23, 2025

Musharax cusub oo ka haray tartanka Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya [Waa kuma..?]

Mida ka mida mushariixinta u taagnaa xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu ka haray doorashada.

Musharaxan oo lagu magaaabo Maxamed Abdullaahi Nuur (Garguurte), isla markaana sawiradiisa ay hareeyeen wadooyinka Muqdisho ayaa Nairobi ka sheegay inuu ka baxay tartanka.

Musharaxa ayaa bartiisa FB ku sheegay inuu taageersan yahay musharaxnimada Shariif sheekh Axmed, isaga uu ka haray damaciisii ahaa inuu xilka u tartamo.

Guddoomiye Jaaliyadeed isu soo sharxay jagada Madaxweynaha 2016

Waa musharixii labaad ee caddeysa inuu ka haray doorashada madaxweynaha iyagoo musharixiin fara badan oo hore u shaaciyay musharaxnimadood la filayo inay ka haraan.

Wuxuu ka mid ahaa musharixiintii ugu horeeyay ee shaaciyay inuu u taagan yahay xilka Madaxweynaha Soomaaliya, xilligaas oo dad badan ay shaki ka muujiyeen dhab ahaanshaha musharaxnimadiisa.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON