Wednesday, June 25, 2025

Musharax Jabriil Cabdulle oo ka hadlay Musuqmaasuqa ka jira Doorashada & Doorka Xasan Sheekh [Shir Jaraa’id]

Musharaxa Madaxweynaha  Soomaaliya Jabriil ibraahim Cabdulle ka deyriyay doorashada Soomaaliya iyo qaabka ay ku socoto.

Shir jaraa’id ayuu maanta ku qabtay Magaalada Muqdisho, wuxuuna faahfaahin ka bixiyay xaaladda Doorashada soomaaliya iyo musuqmaasuqa hareeyay.

jibril1Musharax Jabriil ayaa sheegay inuu jiro dib u dhac  kale oo ku yimid doorashada Sanadkaan 2016 oo marar badan hore dib u u dhacday, isagoo sheegay inaysan muuqaan rajo ah in  in doorashadu waqtigeeda  ku dhacdo.

Wuxuu ku eedeeyay madaxda dowladda waqtigeedu dhammaaday in ka dambeeyaan Musuqmaasuq baahsan oo doorashada hareeyay, loona adeegsaday awoodda dowladda iyo hantida umadda.

https://youtu.be/uHCnuyrKfYo?t=20s

Wuxuu caddeeyay inaan xitaa loo hogaansamin go’aankii Dowladda kasoo baxay oo ahaa in waxa la dalacsiin karin cidna la dalacsiin karin sido kalane qof aan xilka laga qaadi karin, taasoo uu sheegay in lagu takri  falay. Wuxuuna Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu wado dalacsiinta Saraakiisha iyo xilka qaadista xubno muhiim ah.

Musharaxa ayaa ka digay in hakad la geliyay Mashaariicda dalka taasina cawaaqib xumo u keeni karto dalka. Wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in ilaha Dhaqaalaha dalka ay dad gaar ah gacanta ku dhigeen una adeegsanayaan doorashada dalka.

Wuxuu caddeyn ahaan u soo qaatay inaan muddo bil ah wax lacag lagu shubin Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, isla markaana Canshuurta Dadweynaha laga soo aruuriyay madaxda ku takri falayaan

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON