Monday, July 14, 2025

Musharax Madaxweyne caan ah oo Muqdisho ku soo dhuuntay.! [Aaway taageerayaashiisii…?]

Musharax madaxweyne oo caan ahaa isla markaana ahaa kii ugu horeeyay ee ku dhawaaqa inuu xilkaasi trartamayo ayaa Muqdisho iska yimid iyadoo aanay cidna ka warqabin.

Musharaxan ayaa hor u sheegtay inay tahay haweeneydii ugu horeysay ee isu taagta xilka madaxweynaha Soomaaliya, taasoo dabcan laga daba tegay.

DAAWO VIDEO: Been Taariikheed oo u meel martay musharax Faaduma Dayib

Faadumo Dayib oo si weyn loogu yaqaan ololaha weyn ee ay ka sameysay warbaahinta reer galbeedka ayaa waxaa la yaab noqday markii ay Muqdisho timid inaysan jirin soo hadal qaaday ama xitaa ogeyd inay imaaneyso.

Ma jirin soo dhoweyn heer sare iyo heer hoose mid ay noqotaba, mana jirin ogeysiin hore, waxaa kaloo soo shaac baxay inaysan wax taageero ah ka heysan ururada haweenka oo xoogga ugu weyn ee soo dhoweynta madaxda ka dhex muuqda, sidoo kale lama arag koox u ololeysa iyo Boor ay leedahay midna oo ka dhex muuqda tartamayaasha ku xardhan Muqdisho.

Meesha kaliya ee laga ogaaday inay imaaneyso waxay ahayd farriin ay soo dhigtay barteeda twitter-ka oo ahayd inay dalkii tegeyso, waxaana ku xigay iyadoo Muqdisho ku sugan oo la sawiran shaqsiyaad ay ka mid yihiin Safiir Yuusuf Garaad iyo Musharax Cali Ameriko.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON