Thursday, June 26, 2025

Musharax Madaxweyne oo bilaabay olole cusub oon hore loo arag [Waa kuma?]

Mid ka mida musharixiinta isu sharxay xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee 2106 ayaa qaaday tallaabo aan hore loo arag oo ololihiisa doorashada ku saabsan.

Danjirihii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameriko) ayaa ololihiisa doorashada ka bilaabay dalka Kenya isagoo aan wax ahmiyad ah siinin Soomaalida uu codka ka doonayo.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa si weyn uga faalootay mushaxnimada Maxamed Cali Ameriko, waxaana wargeysyada dalkaasi ay qoraalo faro badan ka qoreen Musharaxan u taagan xilka madaxweynaha oo laga ogaaday Gudaha Kenya, balse aanay ka war qabin dadka Soomaalida.

Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha ee ilaa iyo hadda shaaciyay inay si rasmi ah xilkaasi ugu tartamayaan ayaa ololahooda u badiyay barha Bulshada ku xiriirto iyo Warbaahinta magaalada Muqdisho.

Cali Ameriko ayaa isagu qaaday dariiq kale oo aan hore loo arag oo ah inuu adeegsado saxaafadda Kenya, iyadoo la isweydiinayo inuu ka sharxan yahay dalka Kenya iyo inuu yahay Musharax Soomaaliyeed.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON