Musharaxa ugu weyn ee dhinaca iidhehda C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka cabanaya in boorar sawirkiisa ku xardhan yahay laga jeexjeexay magaalada Muqdisho.
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho ayuu sheegya in sawirada ololahiisa doorashada ee laga fujiyey baalayaasha waddooyinka Muqdisho, isagoo arrintan ku tilmaamay mid ka hor imaaneysa xuquuqda muwaadinka iyo xaqa Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Musharaxa C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa lacago badan ku bixiyay shirkadaha xayeysiinta ee Idaacadaha, Facebook, waxaaba Muqdisho la suray sawirro fara badan oo musharaxan uu leeyahay oo ka muuqda dhinac waliba, laakiin waxaa la jeexjeexay qaar ka mida sawiradaasi isagoo ku eedeeyay dowladda federaalka.
Dad badan ayaa la yaaban xuquuqda Musharaxa C/raxmaan C/shakuur u doodayo ee ku saabsan in sawiradiisa wadooyinka suran.
Goobjooge.com