Wednesday, July 9, 2025

Musharax Maxamed Cabdi Waare oo hoggaaminaya Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle

Waxaa goor dhoweyd la soo gaba gabeeyay tirinta cododka wareega koowaad ee doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle.

Waxaa codadkii la tiriyay ku horeeyay Musharax Maxamed Cabdi Waare oo helay ku dhowad kala bar codadkii la tiriyay, isagoo helay 44 cod. Waxaa kaalinta labaad ku jira musharaxa  Daahir Cabdulle Cawaale ayaa isna helay 20 cod, halka Musharaxiinta kala ah Cabdi Faarax Laqanyo iyo C/naasir xaaji Shirwac ay heleen codad ka yar 10.

19 Warqad oo lagu codeeyay ayaa xumaaday, kadib markii lagu qoray xarafka X kaasoo khalad ah, lagana rabay xildhibaannada inay calaamada Sax ama FIG  ay saaraan magaca ay dooranayaan ama qaar aan waxba lagu qorin.

Arrintan ayaa la sheegay in kentay inaan lagu kala bixin wareegga koowaad iyadoo la aamisanaa in Musharax Waare uu wareega koowaad guuleysan karo.

Wareegga labaad ayaa dhowaan la galayaa, kadib markii guddoonka uu shaaciyo natiijada wareegga koowaad.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON