Musharaxa xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee Maxamud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa soo jeediyay talo ku saabsan lacagaha laga qaadayo musharixiinta xilka Madaxweynaha.
Tarsan oo ka mida musharixiinta adeegsada baraha bulshada ayaa ku taliyay in lacagta laga qaadayo musharixiinta Madaxweynaha ee gaareysa 30-kun oo doolar, qeyb ka mida loo qoondeeyo dadka abaaraha ku dhaceen ee Soomaaliyeed.
HOOS KA AKHRI TALADA TARSAN
WAXAAN SOO JEEDINAYAA IN LACAGTA $30,000 OO LA SAAREY MUSHARAXIINTA MADAXWEYNE IN BOQOLKIIBA KONTON LAGU TABARUCO DADKA SOMAALIYEED OO AY ABAARUHU KU DHUFTEEN SI LOOGU FIDIYO GAR GAAR DEG DEG AH. ILAA IYO HADDA WAXAA MUSHARAX AH 26 QOF OO KIIBA LAGA RABO INUU DHIIBO $30,000 X 26 = $780,000 WAXAAN AAMINSANAHAY IN AY LACAGTAAS WAX WEYN KA QABAN KARTO XALADDA ABAARAHA, XAQNA MA AH IN LACAGTAAS AY SI KHALDAN KU BAXDO AMA LOO CUNO.
Talada ka soo yeertay Musharax Tarsan ayaa timid kadib baaqyo loo jeediyay musharixiinta diyaarka u ah inay lacago badan ku bixiyaan musharaxnimadooda oo haddana aan u damqaneynin dadka dhibaareysan ee abaaraha iyo haraadka ugu dhimanaya gobollada dalka, waxaana muuqata inuu Guddiga Doorashada ka dalbanayo inay lacag bixiyaan halkii uu isagu ku deeqi lahaa.
Goobjooge.com