Friday, June 27, 2025

Musharax Xabsi ku jira oo ololaha doorashada dalka Turkiga khudbad ka jeediyey Telefishanka

Siyaasi caan ka ah Kurdiyiinta madaxweynenimo ugu sharaxan dalka Turkiga ayaa khudbad telefeshin laga sii daayay oo ololaha doorashada ku saabsan ka jeeediyay xabsiga gudahiisa, kahor doorashada toddobaadka soo socda la qabanayo.

Selahattin Demirtas ayaa cambaareeyay xukuumadda Recep Tayyip Erdowan oo uu ku tilmaamay mid dadka caburisa. Demirtas oo xirnaa tan iyo dhammaadkii 2016kii ayaa ku eedaysan in uu xiriir la leeyahay malayshiyada Kurdiyiinta ah oo la mamnuucay.

Sharciga doorashada ee Turkiga ayaa ogol in uu dadka khudbad u jeedin karo isaga oo xiran. Dad badan ayaa isugu soo baxay fagaare ku yaalla Istanbul oo la dhigay dhalo wayn oo khudbaddiisa laga baahinayay.

Waxaa arrintaas soo abaabulay xisbigiisa People’s Democratic Party. Warbaahinta dawladda ayaa lagu dhaliilay in ay si buuxda u baahisay khudbadii madaxweyne Erdogan, isla markaasna ay iska indho tirayso khudbadaha murashaxiinta kale.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON