Xaflad si weyn loo soo agasimay oo ay ka soo qeyb galeen boqolaal dadweyne fara badan, duubab, siyaasiyiinta xisbiyada, xildhibaanno iyo qeybaha bulshada ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.
Xafladda bandhigga musharaxa madaxweynaha waxaa ka hadlay mas’uuliyiin fara badan oo ay ka mid yihiin: Salaad Cali Jeelle, Axmed Macalin Fiqi, Axmed Daaci iyo mas’uuliyiin kale, waxaana si weyn loo taageeray musharaxnimada madaxweynaha ee Mudane Tarsan.
Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa khubadii musharaxnimadiisa ka jeediyay xafladda ayaa ka hadlay qorshihiisa madaxweyne haddii loo doorto xilka isagoo soo bandhigay qorshe siyaasadeed qeexan oo ku saabsan sida uu doonayo inuu dalka ku hogaamiyo haddii loo doorto xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Mudane Tarsan ayaa si qoto dheer uga hadlay dhibaatada ka taagan hogaanka dalka, wuxuuna sheegay in hogaamiyaha looga baahan yahay inuu yeesho feker uu umadda ku hago, isagoo balan qaaday haddii xilka madaxweyne loo doorto inuu isbedel muuqda sameyn doono.
“Ma dhici doonto in madaxtooyada aan dheylo ku cuno iyadoo askariga jidka taagan baahan yahay” ayuu yiri Tarsan oo intaas ku daray intii askarigu baahan lahaa in gurigiisa laga baahan doono haddiiba ay dhacdo.
Wuxuu balanqaaday in haddii xilka madaxweyne loo dhiibo inuu wax weyn ka bedeli doono qaabka sugidda amaanka dalka, isagoo caddeeyay in musuqmaasuqa uu yahay amaandarrada waxa sababaya, kana horeeyo dagaalka Shabaab lagula jiro.
SAWIRRO
Goobjooge.com