Mid ka mida musharixiinta xilka Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadlay dhibaatada ka taagan ciidamo Qaran oo Soomaaliya yeelato.
Isagoo ku sugan dalka Mareykanka ayuu sheegay in ciidamo Soomaaliyeed oo hana qaada xiligan ay hortaagan yihiin arrimo ay ka mid yihiin: is aamin la’anta timid dagaaladii sokeeye iyo maamul goboleedyada oo doonaya inay ciidamo gaara oo milateri yeeshaan.
C/Xakiim Maxamuud Fiqi oo hore u soo noqday Wasiirka Gaashaandhigga ayaa VOA-da uga warramay arrinta ciidamada iyo dhibaatooyinka amniga ee ka jira dalka.
DHAGEYSO WAREYSIGA