Thursday, July 17, 2025

Musharaxnimada xildhibaan ee Sareedo Cabdalla oo si weyn looga taageeray Xudur

WAXGARADKA GALBOORE EE BEESHA HADAMO OO KULAN LAGU TAAGEERAYO XILDHIBAANAD SAREEDO KU QABTAY DEGMADA XUDUR.

Kulankaan oo ay ujeedadiisu aheyd taageerida musharaxada xildhibaanimada doorashada 2016 Xildhibaanad Sareedo Cabdalla Maxamed oo ah marwo u qalanta inay buuxiso kursiga Reer Galboore ee Beesha Hadamo, kursigaasoo ahaa kursi sharafeed ay beesha Hadamo siisay xildhibaanadaan ayaa waxaa kasoo qeybgalay qeybaha waxgaradka, dhalinyarada, haweenka Reer Galboore ee beesha Hadamo.

sareedoKulanka ayaa intii uu socday waxaa lagu soo hadal qaaday waxqabadkii muuqday ee ay la timid Xildhibaanad Sareedo Cadalla Maxamed xilliyadii kala duwanaa ee ay xildhibaanadda soo aheyd, iyagoo sheegay inaysan aqbaleen in doorashadaan lasiiyo qof kale ayna mudan tahay xildhibaanadaan inay sii matasho Reer Galboore iyo Beesha Hadamo.

Waxgaradkii kulankaan ka qeyb qaatay ayaa ka codsaday gudiga doorashooyinka maamul gobaleedka Koonfur Galbeed iyo midka qaranka inaysan aqbalin inuu u tartamo kursi xildhibaan qaran nin horay uga tirsanaa dagaalyahanadii kooxdii argagixisada ee Xisbul-islaam.

Ugu danbeyn, Qeybihii kala duwanaa ee kulakaan kasoo qeybgalay ayaa sheegay kursigaan oo ahaa Kursi sharafeed ee ay beesha Hadamo siisay Xildhibaanad Sareedo Cabdalla Maxamed ayna tahay musharaxad  uqalanta sii matalidiisa, Iyagoo kula talinayay ergada 51-da ah ee beesha mataleyso inay tixgaliyaan waxqabadka xildhibaanad Sareedo Cabdalla Maxamed oo ay mar kale udoortaan inay noqoto xildhibaanad qaran.

Daawo Sawiro

01020303Xigasho: IDALE NEWS

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON