Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in musharixii xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Beesha Jareer uu ka baxay doorashada oo ka socota magaalada Jowhar.
Arrintan ayaa ka dambeysay markii beesha Jareer ay dalbatay inay keligeed u tartanto xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo ay xaq u leedahay, taasoo keentay dib u dhac ku yimaada doorashada oo waqti danbe bilaabtay iyadoo uu ka baxay musharrixii Beesha Jareer.
Musharax Cali Cabdulle Isgoowe ayaa ka haray tartanka oo ay hadda ku loolamayaan labada musharax oo ka soo jeeda beesha Gaaljecel oo kala ah:
- Cusmaan Barre Maxamed
- iyo Abuukar Xasan Cali
Ma Cadda sida beesha Jareer ku qanacday, waxayna wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar sheegayaan inay beeshu qaadacday doorashada.
Goobjooge.com