Tuesday, June 24, 2025

Musharixii u tartamay Kursigii Xasan Sheekh oo Warbixin Naxdin leh ka soo saaray Xaqiiqadii Doorashada

Musharax Eng. C/llaahi Cali Xasan oo u tartamay kursiga Aqalka Hoose ee uu banneeyay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warbixin laga naxo ka soo saaray sidii ay u dhacday Doorashada kursigaasi.

Injineerka oo kursiga uu kaga guuleystay agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Soomaaliya Saadaq C/kariin Xaaji ayaa farriin uu soo dhigay bartiisa Facebook ku faahfaahiyay musuqmaasuqa ka dhacay doorashadii Kursiga Beesha Cali Gaaf.

HOOS KA AKHRI FARRIINTA

FARIINTA ENG. CABDULLAAHI CALI XASAN:
Waxaan mahad aan lasoo koobi karin u jeedinayaa shacabka Soomaaliyeed ee sida niyad wanaaga leh noogu muujiyay dareenkooda iyo in dalku uu helo aqoonyahan isbadal dhalin kara, rabayna in lasoo doorto dad dad nadiif ah oo aqoon iyo waaya aragnimo isu darsaday dalka iyo dadkana wax u tari kara, xog ogaalna u ah xaalada dalka Soomaaliya.
Runtii farxad weyn ayay ii aheyd dareenkii iyo dhiiri gelintii ay ii muujiyeen bulshadeena Soomaaliyeed gudaha iyo dibadaba kadib markii aan isku soo taagay musharaxa aqalka hoose ee baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya taasoo ka turjumeysa in dadku u baahan yihiin aqoonyahano aragti fog u leh oo wax ku soo kordhin kara wax ka qabashada xaalada adag ee dalkeenu ku sugan yahay iyo isbedelada loo baahan yahay in lagu talaabsado waqtiyada soo socda.
Waxaa xusid mudan in kooxda masuqmaasuqday doorashada ay ergada si qaas ah diyaarad uga soo qaadeen Muqdisho isla markaana markii ay Cadaado geeyeen ku xareysteen guryo ay u diyaariyeen ayagoo kor dhigay ilaalo gaar ah. Waxaana loo diiday in ay ila kulmaan ama telefano igula hadlaan si aan uga dhaadhiciyo barnaamikeyga siyaasadeed. Waxaa ergada la isagu daray isugu daray handadaad iyo caga jugleyn iyagoo lagu qasbay in ay codkooda siiyaan si uu u guuleysto musharaxa iga soo horjeeday oo ah Agaasimo ku xigeenka Madaxtooyada oo taageero ballaaran ka helayay madaxtooyada iyo kooxo daneystayaal ah oo dalka iyo dadka horumar u diidan.
Waxyaabaha la yaabka leh waxaa ka mid ah in ergada jiifka laga soo kiciyay habeenkii ka horeeyay maalinta doorashada iyada oo loo sheegay in la soo siin doono aqoonsiga codbixinta oo la geeyay guriga uu deganaa musharaxa iga ila tartamayay islamarkaana si khasab ah loogu dhaariyay kitaabka Quraanka Kariimka ah taasoo ka soo horjeeda xeerarka iyo anshaxa doorashada.
Shacabka Soomaaliyeed waxaan u caddeynayaa in doorasho xor ah oo xalaal ah aysan dhicin ee ay aheyd mid afduub iyi jujuub ah oo si cad oo toos ah iyo si dadbanba ay lug ugu lahayd una soo faragelisay madaxtooyada Soomaaliya.
Waxaan u mahadcelinyaa 22 ergay ee codka I siisay anigoo ogsoon in 29 kale ee codkooda siiyay musharaxa kale ay codkooda I siin lahaayeen haddii ay dhici lahayd doorasho xor ah oo xalaal oo loo siman yahay. Shacabkeyga waxaan ku qabaa kalsooni weyn waxaan hubaa in cod ka badan 40 aan ku guuleysan lahaa haddii ay dhici lahayd doorasho xor oo xalaal ah.
Ugu danbeyntii, anigoo fiirinaaya rabitaanka iyo danaha shacabka Soomaaliyeed mar walba waxaan diyaar u ahay inaan dalka iyo dadka ugu adeego uguna shaqeeyo shaqeeyo si daacadnimo ah aniga oo aan cidna marti uga noqon doonin u adeegida dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON