Thursday, June 26, 2025

Musharixii uu watay C/weli Gaas oo loo doortay Duqa Magaalada Gaalkacyo, Puntland

Magaalada Gaalkacyo ayaa yeelatay Duq cusub, kadib markii doorasho maanta ka dhacday

oo golaha degaanka ee dhowaan la magacaabay ay xilkaasi u doorteen Maxamuud Yaasiin Axmed Tumey.

Duqa cusub ee degmada Gaalkacyo u soo baxay wareegii ugu dambeeyay ee doorashada, isagoo ka guulaystay musharixii xilkaan kula tartamayay ee Deeq Malow.

Mudane. Tumey oo horey u ahaa duqii kumeel gaarka ahaa ee degmada Gaalkacyo oo uu madaxweynuhu degreeto ku magacaabay bishaan Julay ayaa helay 24  cod, wuxuuna ahaa musharax uu wado madaxweyne C/weli Gaas, halka musharixii la tartamayay Deeq Malow uu helay 7 cod oo kaliya.

Guddiga doorashada gollaha deegaanka ayaa ku dhawaaqay natiijada waxayna shaaciyeen in musharax Maxamuud Yaasiin Tumey uu yahay duqa cusub ee degmada Gaalkacyo shanta sano ee soo socota.

Waxaa halkaasi khudbad ka jeediyay madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo dadka Gaalkacyo ugu hambalyeeyay maamulka ay doorteen, wuxuuna u sheegay in laga sugayo shaqo adag sidii magaalada looga dhigi lahaa magaalo nabdoon.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON