Thursday, July 10, 2025

Musharixiin aan la fileyn oo isu diiwaan geliyey tartanka Madaxweynaha Somaliya 2022

Iyadoo ay maalintii labaad socoto diiwangelinta Musharixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya inay is diiwaan geliyeen musharixiin aan la filayn oo aan hore wax olole ah u sameyn, qaarkoodna ay yihiin dhalinyaro iyo wadaaddo.

Tirada ilaa hadda isu diiwaangelisay Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee la siiyey shahaadada musharaxnimo ayaa gaaraya 20, waxaana la filayaa inay sii socoto oo tiradoodu koroto.

Liiska Musharixiinta sida rasmiga ah u qaatay Shahaadadda musharixiinta ayaa kala ah:

1- Shariif Sheekkh Axmed

2- Daahir Maxamuud Geelle

3- Xasan Cali Kheyre

4- Cabdulqaadir Cosoble Cali

5- Bashiir Xaaji Cali (Jamaal)

6- Cabdullaahi Cali Xasan

7- Cabdinuur Sheekh Maxamed

8- Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

9- Cabdikariim Xuseen Guuleed

10- Cabdiraxmaan Macallin Axmed Ablaal

11- Xasan Sheekh Maxamuud

12- Saciid Ciise Maxamuud

13- Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi

14- Axmed Ducaale Geelle Xaaf

15- Mahad Axmed Diiriye

16- Muqtaar Maxamed Sayid

17- Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi

18- Fowsiya Yuusuf Xaaji Adam

19- Maxamuud Daahir Aweys.

20- Ridwaan Xersi Maxamed

21- Nucmaan Sheekh Cumar

22- Cumar Cabdiqaadir Axmed

23- Cabdulqaadir Xuseen Maxamed (Jaahwayn)

24- Cabdi Aadan Hoosow

25- Jamaal Axmed Ibraahim

26- Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi)

27- Cabdi Maxamed Kuusow

28- Cabdullaahi Cali Axmed (Caddow Cali Gees)

29- Xuseen Cabdi Nuurow

30- Jabriil Ibraahim Cabdulle

31- Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Musharaxiinta la siiyey Shahaadada musharxnimada ayaa mid kasta bixiyey lacag is-diiwaangelin oo gaareysa $40,000, waxaana qaarkood ujeedooda ugu weyni yahay inay taariikhda u gasho musharaxnimada.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya 2022 ayaa lagu wadaa inay Teendhada Afisyoone ee Xalane, magaalada Muqdisho ka dhacdo 15-ka May 2022.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON