Sunday, June 29, 2025

Musharixiin ay ka mid yihiin Sheekh Shariif iyo Faroole oo AMISOM ka dalbaday in ammaankooda la sugo

Warar laga soo xigtay saraakiil ka tirsan AMISOM ayaa sheegaya in qaar ka mida musharaxiinta jagada madaxweynaha

Soomaaliya ay ka codsadeen in ammaankooda ay sugto AMISOM.

Arrintan ayaa sabab looga dhigay xaalada ammaanka Muqdisho iyo xiisadda siyaasadeed ee ay abuurtay ololaha doorashada madaxweynaha xilka haya ee Xasan Sheekh Maxamuud oo ku dhaqaaqay tallaabooyin cabsi ku beeray musharaxiinta kale.

AMISOM ayaa sheegtay inay damaanad qaadeyso nabadgelyada madaxda sare ee xilalka waaweyn ka soo qabtay dalka, laakiin aysan awood u lahayn sharciyadna u heysan in musharax kasta ay ilaalo u sameeyaan, waxayna arrintan ka mid tahay xaalada is aamindarrada ah ee ka taagan hogaamiyeyaasha Soomaalida.

Musharixiinta codsiga u gudbiyay AMISOM waxaa ka mida Sheekh Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii hore ee Soomaaliya, C/raxmaan Faroole madaxweynihii hore ee Puntland iyo musharixiin kale.

Dhowaan ayaa dacwad kale oo ku saabsan falal ay dowladda Xasan Sheekh kula kacday musharaxiin iyo odayaal ka shiri lahaa arrinta doorashada loo gudbiyay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON