Qaar kamida musharixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo dhowaan magaalada Nairobi kula kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay
u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa dacwad ka dhan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid u gudbiyay Q/Midoobay.
Arrinta ugu weyn ee welwelka laga qabo ayaa in doorashada aysan ku dhicin xiligii loogu talogalay awoodii dalkana ay isku koobaan koox yar oo Madasha Qaran la baxday, iyadoo dalku mugdi sii galayana la diiday shirarkii iyo ololeyaashii magaalada Muqdisho ay ku qabsan lahaayeen siyaasiyiinta madaxa bannaan iyo xisbiyada.
Kulanka waxaa ka qeyb galay musharaxiin ay ka mid yihiin Maxamed C/llaahi Farmaajo, Cali Xaaji Xersi, Cabdullaahi Ciilmooge iyo xubno kale.
Micheal Keating ayaa u sheegay musharixiinta inuu la qabo welwelka xaaladda doorashada, balse ay dadaal u galayaan sidii lagu xaqiijin lahaa in arrimaha taagan xal loo helo.
Goobjooge.com