Midowga Musharixiinta ayaa shaaciyey inay ku adkeysanayan xuquuqdooda asaasiga ah ee Dibad baxyada ay sii wadayaan ayna qaban doonaan Bannaanbixii Jimcaha ee 26-ka Febraayo 2021.
Afhayeenka Musharixiinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay inaan loo hoggaansami karin sharci darro, haddii Bannaanbax sharci ah la diiday ay ka dhigan tahay Isbaaro, isla markaana aan hoggaansami karin Isbaaro iyo Argagixiso.
“Nidaamka Sharciyadu ka dhammaaday ee Farmaajo ayaa sharciga diidan.. waxaan leenahay fal isbaaro ah iyo argagixiso midna u hoggaansami doono..” ayuu yiri Daahir Geelle oo sheegay inay go’aansadeen qabashada bannaanbaxyada.
Xukuumadda xilka sii heysa ayaa shalay so saartay amar lagu diiday in la qabto bannaanbax, waxayna ku tilmaantay sharci darro.
