Wednesday, June 25, 2025

Mustaf Dhuxulow & Khadiijo Diiriye oo hormuud u noqday wasiirada daadku qaaday (Akhri Warbixin)

Golaha wasiirada xilka sii haya ayaa la xaqiijiyay in xubno ka mida oo taageeray Ra’iisal wasaarihii kalsoonida waayay C/weli Sheekh Axmed aysan dib ugu soo laaban doonin xukuumadda cusub iyadoo bedelkood loo qoray inay booskooda galaan sida laga soo xigtay ilo madaxtooyada Soomaaliya ka tirsan.

khad-xas-dhuxl

Liiska xubnaha golaha wasiirada oo hore loo sii diyaariyay ayaa wasiirada xilalkooda waayay  ee daadku qaaday rajo danbena aan ka lahayn xukuumadda cusub waxaa ugu horeeya:

1. Ridwaan Xersi Maxamed

2. Mustaf Dhuxulow

3. Khadiija Maxamed Diiriye

4. Saalim Caliyow Ibrow

Xubnaha xilalkooda weynaya ayaa ka mida isbaheysi xildhibaanno ah oo hore u taageersanaa Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh, waxayna isu urursanayaan inay ka hortagaan xukuumadii la isku dayo in Baarlamaanka la horkeeno, halka dhinaca madaxweynaha ku dadaalayaan inay kala furfuraan.

Wasiirada aan soo laaban doonin ayaa si weyn uga horjeestay siyaasadda madaxweynaha iyo kooxdiisa dalka ku maamulayaan, iyadoo qaarkood oo aan xildhibaanno ahayn ay ku cuslaan doonto inay siyaasadda ku soo laabtaan.

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON