Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta la hor keenay eedeysane hore u leefay xabsi shan sano ah, kadib markii lagu helay Alshabaabnimo inuu qarax ku xiray Gaari.
Mustaf Maxamed Xuseen oo ah wiil dhalinyaro ah ayaa lagu qabtay bishii May 2019, isagoo qarax ku xiraya Gaari yaallay agagaarka Shinemo Somalia, wuxuuna markii labaad la shaqeynayay Alshabaab isagoo maxkamadda ka hor qirtay in markii uu xabsiga dhammeystay kadib muddo sanad ah oo uu xor ahaa uu Qarxayo ku xiray ilaa 8 Gaari oo kala duwan.
Eedeysane Mustaf ayaa ku dooday in Alshabaab ay ku hanjabeen oo falalka ku sameeyay ay ka keentay cabsi iyo inuu naftiisa ku badbaadiyo, waxaana sidoo kale uu sheegay in qaraxyada uu geystay aysan wax qasaare nafeed ah geysan.
Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa dalbatay in eedeysanahan oo caadeysay denbiga lagu xukumo xabsi daa’im oo laga qariyo dadka.

Waxaa Maxkamadda isagoo kamaqan dacwadiisa la qaaday Maxamed Axmed Muumin oo ahaa ninka Miinooyinka u keeni jiray eedeysanaha, isla markaana lahaa Mooto Bajaaj ay ku howlgeli jireen.
Maxkamadda ayaa la soo xiray, waxaana Guddoomiye Xasan Cali Nuur (Shuute) uu ku dhawaaqay in fadhi kale go’aan kasoo saari doonto laba eedeysane.