Sunday, July 13, 2025

Mustafe Cagjar oo xilalkii ka qaaday xubno ka tirsan Golaha Wasiirada & Go’aano kasoo baxay

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumad Cumar ayaa xilalkii ak qaaday qaar ka mida wasiiradiisa kadib kulan uu maanta la yeeshay Golaha wasiirrada.

Kulanka maanta ayaa yimid iyadoo xiisad siyaasadeed ay soo wajahday madaxweynaha 5-ta bilood xilka haya oo la sheegay inay ku kacsan yihiin xubnihii maamulkii hore ee Cabdi Iley iyo guddoomiyaha xisbiga talada haya Axmed Shido oo wasiir ka ah dowladda Federaalka Itoobiya.

Go’aannada shirkii Golaha Wasiirada Somali State maanta kasoo  baxay waxaa ka mid ahaa in isku shaandheyn lagu sameeyay wasiirrada oo qaarkood xilalka laga qaaday kuwo kalena laga baddalay jagooyinkii ay horay u hayeen.

Saddex mas’uul oo xilalka laga qaaday waxaa ka mid ah wasiirkii warfaafinta ee dowlad deegaanka Guuleed Kaahin Aw Cali, kaasoo lagu baddalay ku xigeenkiisii oo lagu magacaabo Cabdullaahi Maxamed Mowliid.

Qodobadii kale ee kasoo baxay shirkii saaka waxaa ka mid ahaa:  in tallaabo sharci ah laga qaado dadkii horay dambiyada uga galay deegaanka, – in dib loo eego xubno ka tirsan wasiirrada oo ka baaqda shirarka golaha isla markaana go’aan laga qaato haddii ay sidaas iska baddali waayaan

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON