Thursday, January 20, 2022

Maxaa looga hadlay kulankii Danjireyaasha Dalalka Midowga Yurub & Ra’iisal Wasaare Kheyre? [Sawirro]

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan gaara kula yeeshay safiirrada dalalka midawga Yurub u jooga Soomaaliya.

Kulankan ayaa ka danbeeyay madmadow soo kala dhex galay dowladda Soomaaliya iyo dalalka Yurub sida Germany, UK iyo France, kasoo salka ku hayey faragelintii ay dowladda Soomaaliya ku sameysay doorashadii K/Galbeed iyo ceyrintii wakiilkii Q/Midoobay ee Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa danjirayaasha kala hadlay caqabadaha xiriirka dowladda Federaalka iyo Midowga Yurub oo ah isha ugu weyn ee taageerada dhaqaale siisa dowaldda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM, isagoo u sharxay qorsheyaasha xukuumadiisa  doonayso inay fuliso sanadkan 2019-ka.

Ad

Kulanka uu ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre la yeeshay safiirrada ayaa sidoo kale looga hadlay mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda iyo taageerada midawga Yurub ay ka gaysanayso dadaalada nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

- Advertisement -

Image may contain: 3 people, people sitting

Image may contain: 3 people

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

160,859FansLike
2,535FollowersFollow
5,939FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

160,859FansLike
2,535FollowersFollow
5,939FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!