Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa khudbadii ugu dheereyd ka jeediyay Shirka Somaliland iyo Somaaliya ee dalka Jabuuti ka sheegay in Somaliland la joogo waqtigii Beesha Caalamka aqoonsan lahayd.
Muuse Biixi ayaa ku ododay in dimoqraaddiyadda iyo dowladnimo ka jirto Somaliland, ayna dib ula soo noqdeen gobanimadii hallowday 1960-kii, haddana dib ula soo noqoshadeedii laga joogo muddo ku dhow 30-sanno, isagoo caddeeyay inay shirkan Afrika iyo beesha Caalamka laga doonayo inay garowsadaan in Somaliland ay ka mudan tahay ddunida kale, xaqna ay u leeyihiin aqoonsi buuxa.
Shirka oo ka dhacay arunta Madaxtooyada Jabuuti waxaa goobjoog ka ahaa Dowladda Mareykanka, Ururka Midowga Afrika, Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD iyo Marti Sharaf kale oo aad u tiro badan.


