Imaaraadka Carabta ayaa ku yaboohay inuu tababari doono Ciidamada Somaliland, kaasoo qeyb ka ah heshiiska lagu dhisayo Saldhigga Milateri ee Imaaraadka Carabta ka sameynayo Berbera.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wareysi uu Wakaalada wararka ee Reuters ku siiyay Abu Dhabi ku caddeeyay in Imaaraadka Carabta ay tababari doonaan Ciidamada Booliska iyo Milateriga Somaliland, isagoo rajo ka muujiyay in heshiiskan lagu soo gabagabeyn doono labo bilood gudahood.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaan weli ka hadlin taageerada milateri ee ay u siineyso maamulka Somaliland ee gooni u goosadka ah. Muuse Biixi ayaa rajo ka muujiyay in sanadkan gudihiisa ay Imaaraadka Carabta ku dhameyn doonaan Saldhigga ay ka dhisanayaan meel ku dhow garoonka diyaaradaha Berbera.
Wuxuu Muuse Biixi intaas ku daray in Saldhigga Milateri ee Imaaraadka lagu dhammeystiri doono sanadkan gudihiisa, taasoo uu sheegay inay Somaliland u suuragelin doonto horumar dhaqaalle iyo ammaan si looga hortago kooxaha mayalka adag ee gobolka ku nool.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire oo goobta wareysiga lagu qaadayay oo ahayd Abu Dhabi jooggay ayaa diiday inuu sheego tirada ciidamada Imaaraatka ee saldhigan doona saldhiggaasi.
Sidoo kale waxaa uu rajo ka muujiyay in maalgashiga Imaaraadka oo uu ku jiro dhismaha garoon rayid ah oo cusub, dhismaha waddo isku xirta Berbera iyo Ethiopia ay soo kordhin doonto fursado shaqo, isagoo xusay in shaqa la’aan daran ay ka jirto deeggaannada uu ka arrimiyo.
Muuse Biixi ayaa go’aanka Baarlamaanka Soomaaliya ku tilmaamay wax lagu qoslo iyo gef siyaasadeed oo aan marnaba saameyn doonin heshiiska DP World iyo Ethiopia ay la gaareen.
Dhinaca kale Muuse Biixi ayaa ku adkeystay in Imaaraadka ay lacago badan oo adag dhigan doonaan Bankiga dhexe ee Somaliland, inkastoo aan wax faahfaahin laga bixin arrintaasi.