Muuse Suudi Yalaxow oo ka mida xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka, isla mrakaana hore u ahaa hogaamiye kooxeed iyo wasiir ka tirsan dowladii KMG ahayd ee C/llaahi Yuusuf ayaa fal aan hore loo arag ka dhex sameeyay Aqalka sare ee Baarlamaanka.
Kulan ay lahaayeen xildhibaanada Aqalka Sare ayaa la sheegay inuu Muuse Suudi ka dhex sameeyay fowdo iyo qas isagoo cod-baahiyihii hoolka shirka waxyeelay isla markaana diiday in kulanka Aqalka sare uu socdo.
Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii Guddoonka Aqalka Sare ay soo jeediyeen in qaraar baaq ah ay kasoo saareen xukuumadda cusub ee uu soo magacaabay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, iyagoo doonayay inay ugu baaqaan Baarlamaanka inay ansixiyaan Golaha Wasiirada cusub.

Senetor Muuse Suudi ayaa ku kacsan xukuumadda cusub, isagoo la sheegay inuu ku diidan yahay sababo shaqsi ah, taasoo keentay inuu fadeexad ka dhigo kulankii Aqalka sare, waxaana xaaladda qaboojiyay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi.
Dad badan oo hore ugu heystay inuu Muuse Suudi isbedelay ayaa xaqiiqsaday in xaaladu ka duwan tahay sidii ay u maleynayeen.
Goobjooge.com