Xafiiska Q/Midoobay ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyey qofkii labaad oo ka mida shaqaalahooda in laga helay cudurka Coronavirus, kadib markii ay xalay shaacisay wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay UNSOM ayaa lagu sheegay in qofka laga helay Cudurka Covid-19 uu yahay qof ajnabi ah lana shaqeeya shirkad gaar loo leeyahay oo qandaraas ka haysata howlgalka UNSOM, waana qofkii labaad ee ah qandaraasle la shaqeeya UNSOM oo cudurkan laga helo laba toddobaad gudahood.
UNSOM waxay sheegtay in qofka labaad ee cudurka laga helay uu ka shaqeynayay shirkad ka howlgasha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee Muqdisho. Shaqaalahan ayaa la sheegay in uu karantiil ku jiray ilaa bartamihii bishii March xilligaas oo uu dalka dib ugu soo laabtay.
Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya ayaa shaacisay xalay in laba kiis oo cusub oo midkood uu yahay qof ajnabi ah la xaqiijiyey inay qabaan Coronavirus. Wasaaradda ayaa sheegtay in guud ahaan Soomaaliya haatan tirada guud ee dadka uu haleelay coronavirus ay yihiin 7 qof.
Soomaaliya oo dhan ayaa sameysay baaritaanka 40 qof oo laga shakiyey oo 7 kamida laga helay cudurka, taasoo muujineysa in si weyn loogu baahan yahay qalab baaritaan in gudaha dalka laga helo.
Kiiska labaad ee UNSOM kasoo shaac baxay wuxuu caddeyn u yahay in ajnabiga Soomaaliga yimaada ay yihiin halista ugu weyn ee Soomaaliya cudurkan ku faafin karta, iyadoo dadka cudurka laga helay ay hore dad kale ula kulmeen, kuwaasoo u baahan in la karaantiilo, lana baaro.