Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa inay maalinta beri ah booqasho maalin ah ku tagaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud halkaasoo uu ka socdo shir ay isugu yimaadeen inta badan beelaha Gobolada Dhexe.
[ad name=”HTML-4″]
Wafdi hordhac ah oo ay ka mid yihiin guddiga farsamo ee maamul u sameynta Goboladda dhexe kana mid yahay Wasiiru dowlaha madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad ayaa shalay tegay halkaasi si ay ugu gogol xaaraan socdaalka Madaxweynaha ee Dhuusamareeb.
Safarka madaxweynaha ayaa yimid kadib markii qorshihii maamul u sameynta Gobollada Dhexe ay soo wajahday halis ah in lagu kala qeybsamo. Shirka Dhuusamareeb ayaa yimid iyadoo la filayay inuu qabsoomo shir ka dhici lahaa Cadaado. Qabanqaabiyayaasha shirkaasi waxay sheegeen inay ku doorayaan madaxweyne iyo maamul Goboladda dhexe.
Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu shirkaasi ku qanciyo in la soo xiro oo laga wada qeybgalo shirka Cadaado, laakiin waxaa culeys weyn ka heysta xubno isku bahesytay Dhuusamareeb oo diidan inay Cadaado tagaan.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]