Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Kenya Macharia Kamau, ayaa sheegay inay jirto arrin in muddo ahsocotay oo ku sabasan in dal ku-galka loo fududeeyo dadka ka imanaya Soomaaliya si ay imaanshahooda ugu helaan Visaha.
Danjire Kamau oo dhowaan booqasho ku tegay Muqdisho inay arrintan qeyb ay tahay wadaxaajood ku aaddan isu socodka dadka iyo fursadaha ganacsi ee labada dal, kadib wadahadal ay yeesheen madaxda labada dal oo ku saabsanaa xoojinta ganacsiga iyo sidii looga faa’ideysan lahaa fursadaha ganacsi ee labada dal.
“Arrintan waxay ahayd mid muddo soo jirtey, Madaxweynaheenna Uhuru Kenyata ayaa muujiyey sida uu u rabo in fisaha loo fududeeyo muwaadiniinta Soomaaliya, si sahlanna ugu soo safraan Kenya, markaa ma aha wax cusub. Siyaasadda aannu ku haminayno ayaa ah in dal ku galka Kenya ay Soomaalida ku helaan si la mid ah sida waddammada Itoobbiya, Ugaandha iyo Tansaaniya oo ah si fudud” ayuu yiri Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Kenya Macharia Kamau oo la hadlay BBC-da.

Wuxuu meesha ka saaray in wadahadalladii Muqdisho ku dhexmaray wafdigiisa iyo kuwa Soomaaliya ay kaliya ku saabanaayeen xayiraadda saaran Qadka Kenya ee Soomaaliya la gayn jiray, waxa uuse sheegay in isagu uu soo hadalqaaday dhibaatada xayiraadda ay u gaysatay beeralayda kaadka ee dalkiisa.