Monday, June 23, 2025

Muxuu Madaxweynuhu ku doortay Cumar C/rashiid? –Akhri shan qodob oo xasaasi ah–

Kadib 10 maalmood oo markii Baarlamaanka Soomaaliya uu kalsoonida kala laabtay xukuumadii Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed waxaa si cad u soo shaac baxay qofka xilka uga danbeyn doona ee noqon doona Ra’iisal wasaaraha saddexaad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana a dhowrayaa magacaabistiisa oo kaliya.

Cumar C/rsahiid Cali Sharma’arke wuxuu u muuqdaa inuu ugu danbeyn doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kadib dood iyo la-tashiyo lagu xiiqay oo muddo dheer ka dhex socday madaxweynaha iyo saaxiibadiis, waxayna ugu danbeyntii guusha raacday kooxdii wadatay mas’uulkan cusub.

RA'IISAL WASAARIHII DOWLADII KMG AHAYD, IYO MUSHARAXA LOO MAGACAABAYO RA'IISAL WASAARAHJA CUSUB
RA’IISAL WASAARIHII DOWLADII KMG AHAYD, IYO MUSHARAXA LOO MAGACAABAYO RA’IISAL WASAARAHJA CUSUB

Qofka ugu dhow ee Cumar C/rashiid tartanka adag kula jiray wuxuu ahaa Xuseen Cabdi Xalane oo ahaa wasiirka maaliyadda ee xukuumadii la riday. Haddana waxaa halkan ku faaqideynaa sababihii keenay in Cumar C/rashiid keenay in laga door bido.

Ad

1. Musharaxnimada Xuseen Cabdi Xalane waxaa diidmo weyn kala hor yimid qaar ka mida xildhibaanadii taageeray madaxweynaha ee la riday xukuumadii C/weli Sheekh

2. Cadaadis madaxweynaha uga yimid Puntland oo dhinaca Itoobiya u soo martay kadib markii la sheegay inay Itoobiya taageereyso Xuseen Cabdi Xalane.

3. Qaar ka mida saaxiibada mad

- Advertisement -

axweynaha oo ka digay in magaacabidda Xuseen Cabdi  Xalane loo magacaabo Ra’iisal wasaare laga dhaxli doono dhibaato weyn oo ah sidii loo marsiin lahaa Baarlamaanka.

4. Shariif Xasan Sheekh Aadan oo qeyb qeyb ka qaatay ridistii xukuumadii C/weli oo balanqaaday inaan wax dhibaato ah ka imaan doonin las shaqeynta Cumar C/rashiid, kuna fiican yahay in wixii la doono loo adeegsan karo.

5. Arrinta ugu weyn ee madaxweynaha lagu qanciyay waxay ahayd in xildhibaannada taageersanaa ra’iisal wasaare C/weli oo isbaheysi sameystay lagu kala jebin karo magacaabidda Cumar C/rashiid. Arrintaas oo madaxweynaha welwel weyn ku heysay isagoo ku guul dareystay kulamo uu kooxdaasi la yeeshay inay mowqifkooda kasoo dabcaan.

Arrintu si kastaba ha ahaateen dadka la socda siyaasadda Soomaaliya waxay tilmaameen in Cumar C/rashiid aan laga filayn khilaaf dhex mara isaga, madaxweynaha iyo saaxiibadii, laakiin taas bedelkeed shaqo fiican iyo rajadii laga qabay hirgelinta hiigsi cusub in la iska iloobi doono.

- Advertisement -

 

Goobjooge.com

Muqdisho-Somalia

[ad name=”HTML”]

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON