Saturday, June 28, 2025

Muxuu Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid u tegay Magaalada Garowe?

Ra’isal wasaaraha xukuumadda soomaliya Cumar C/rashiiid Cali ayaa galabta gaaray magaalada Garowe ee xarunta Puntland, isagoo socdaal  maalmo ah ku joogi doona halkaasi.

Madaxwaynaha Puntland  C/weli Gaas  iyo ku xigeenkisa ayaa kusoo dhoweeyay garoonka Garowe wafdi uu horkacayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.

Socdaalka Cumar C/rashiid ayaa la sheegay inuu la xiriiro arrimaha doorashada Somaaliya ee 2016 iyo sidii xal loogu heli lahaa diidmada Puntland.

Wafdiga wasiirka koowaad ee dalka ayaa loo gudbiyay aqalka madaxtooyada halkaaso lagu wado in saxaafada ay kula hadlaan saacadaha soo socda.

Puntland ayaa diidmada ay ku keliyowday ayaa laga cabsi qabaa inuu keeno waqti kordhin loo sameeyo dowladda Soomaaliya oo xiligii jiritaankeeda ka dhamaanayo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON