Monday, June 23, 2025

Muxuu Sharciga cusub ee Doorashooyinka ka qabaa Muddo u kordhinta Madaxweynaha.? [Akhriso]

Sharciga doorashooyinka ee Golaha Wasiirada ay maanta ansixiyeen ayaa si cad loogu sheegay Qodob ku saabsan muddo kordhinta dowladda hadda jirta iyo haddii ay dhacdo inay ku qabsoomi weydo Doorashada waqtigii loogu talogalay.

Qodobka 56-aad ee Sharciga Doorashooyinka ayaa ka hadlay Dib-u dhaca doorashooyinka, iyadoo lagu sheegay in Madaxweynaha iyo Baarlamaanka muddada loo kordhinayo, haddii ay doorashadu qabsoomi waydo, waxaana qodobkasi ku cad in Baarlamaanka iyo madaxweynaha ay si isku mid ah mar qura waqtigu ugu kordhayo.

Qodobka 56-aad ayaa qorayaa: “Haddii ay suurtagali weydo doorashooyinka guud ee xubnaha baarlamaanka dalku in ay qabsoomaan duruufo adag oo jira awgeed, xubnaha Baarlamaanka xilka haya ayaa sii haynaya xilka Sharci-dajinta inta duruufahaas adag laga gudbaayo doorashaduna ka qabsoomayso, duruufaha adagna waxaa ka mid noqon kara in aanay doorashadu farsamo ahaan qabsoomi karin. Sidaa awgeed marka duruufaha adag dhacaan, Guddiga Doorashooyinku waxaa ay la tashanayaan Madaxda Dowladda Federaalka ah oo uu ugu horeeyo Madaxweynuhu waxayna Baarlamaanka u gudbinayaan qoraal xambaarsan duruufaha adag iyo asbaabta kelliftay in doorashooyinka dib loo dhigo. Intaas ka dib, Guddiga Doorashooyinku waxaa uu ku dhawaaqayaa in ay doorashadii dib u dhacday, Muddada cusub ee doorashooyinka baaqday ku dhici karaan, waxaa cayimaya Guddiga kadib marka uu qiimayn ku sameeyo xaaladda iyo muddada duruuftaas lagaga bixi karo. Haddaba, Muddada xil-haynta ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalku waxa ay la kordhaysaa muddada cusub ee Goleyaasha Sharci-dejinta maaddaama ay doorashadu xilligeedii ku qabsoomi wayday.”a

C/raxmaan C/shakuur Wasrsame o ka mida siyaasiyiinta mucaaradka ugu waweyn oo soo bandhigay qodobkan ayaa is-weydiiyey: “Sharcigii doorashooyinka oo intaa oo muddo ah loo fadhiyey ma in muddo kordhin (extension) loo sameeyo Madaxweynaha iyo Baarlamaanka ayuu ku soo dhamaaday… oo waxaas oo dhib ah iyadoon la marin… War ha na loo kordhiyo may iska yiraahdaan…?

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON