Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa soo dhoweeyay isbedelka ku yimid hogaanka sare ee dalka iyo doorashada madaxweynaha cusub.
Wuxuu sheegay inuu rajeynayo isbedelka dhacay inuu horseedo nidaam, nabad iyo hormar, isagoo intaas ku daray in loo baahnaa in dalka uu ka dhaco isbedel, una rajeynayo Madaxweyne Farmaajo inuu isu keeno shacabka Soomaaliyeed iyo sidii dalka hormar loo gaarsiin lahaa.
Shariif Xasan oo ka mid ahaa madaxweynayaashii ololaha dib u doorashada ka waday Muqdisho ayaa waxaa la wadaagay madaxweynaha Galmudug oo isna madax ka ahaa ololaha dib u doorashada Xasan Sheekh.
DHAGEYSO SHARIIF XASAN
Goobjooge.com