Thursday, July 17, 2025

WARBIXIN: Xaalada cakiran ee ku xeeran shirka Madasha Qaran ee Magaalada Kismaayo

Waxaa maalintii saddexaad weli xayiran shirkii Madasha Qaran ee la filayay inuu ka furmo magaalada Kismaayo, kadib markii uu Kismaayo tegay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo laba maalmood laga sugayay.

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya inuu weli jiro khilaafkii qaabka doorashada ee madaxda maamulada dalka u dhaxeeyay oo lagu kala qeybsamay laba aragtiyood oo kala ah: 4.5 iyo qaab degaan.

Shirar kala gaara oo u dhaxeeyay maamulada Galmudug iyo Puntland kuna saabsan dhameystirka heshiiskii magaalada Gaalkacyo ayaan horumar laga gaarin iyadoo mustaqbalka magaalada Gaalkacyo aan lagu heshiin.

Xiisad ka dhalatay maamulka Bakool Sare ayaa iyaduna ka dhex taagan maamulada K/Galbeed iyo Jubba, waxaana la ogyahay in Shariif Xasan aqbalay oo kaliya tegista Shirka Kismaayo markii uu Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid uu Muqdisho ku kulansiiyay Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan.

Xeerjajab ku saabsan in laba aqal laga dhigo Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo aqalka hoose lagu soo xulo 4.5, halka aqalka sare lagu  soo xulayo qaabka degaanka ee 18-ka Gobol ayaa waxaa si cad uga hor yimid madaxweynaha Galmudug oo uu ku taageeray Shariif Xasan.

Waxaa cad in Kismaayo la isugu tegay oo qura balse aanay jirin wax heshiis lagu yahay, dhibaatada ugu weyn ee hadda taaganna ay tahay in waxa kaliya ee heshiiska lagu yahay ay noqotay imaanshaha Kismaayo oo laf ahaanteeda dhibaato laga maray.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON