Wednesday, June 25, 2025

Nabad-doon caan ah oo Aabihii ka dhigay xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka

Iyadoo ay socdaan ololaha doorashada ee loogu jiro xildhibaannimada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya warar xasaasi ah oo ku saabsan xubnihii ugu horeeyay ee aqalka sare.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo ka mid nabadoonada rasmiga ah ee ka tirsan 135-ta Oday, isla markaana ah Duubka Beesha Wacbuushan Abgaal ayaa la sheegay inuu ku dhaqaaqay tallaabo uu aabihii uga dhigay xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Cali Ugaas Cabdulle oo ah siyaasi iyo Nabadoon hore u soo noqday Guddoomiyihii Gobolka Banaadir xiligii xukuumadii milateriga oo ah aabaha dhalay Ugaas Maxamuud ayaa la sheegay inuu wiilkiisa ku qortay xilkaasi, iyadoo aan laga wadahadlin, beesha kursigaasi isla lehna aysan wax go’aan ah ka gaarin.

Warar hore u soo baxay oo sheegayay in kursiga Aqalka Sare ee Beesha Wacbuudhan lagu wado in la siiyo Siyaasiga Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ahaa ra’iisal wasaarihii dowladii KMG ahayd ee Soomaaliya ayaa isa soo tari waayay kadib markii la sheegay inuu ka hor yimid Ugaaska.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON