Nabad-doon C/llaahi Geedi Shadoor oo ka mid odayaasha dhaqanka ugu waaweyn Koonfurta Soomaaliya, horena u soo noqday xildhibaan ayaa maanta ciidamada Nabasugidda ka qabteen garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho xilli uu doonayay inuu u socdaalo shir dib u heshiisiin ah ee ka furmay magaalada Dhuusamareeb.
Xariga Nabad-doonkan oo boorsadiisii la sheegay inay diyaaradii uu raaci ahaa la tagtay ayaa salka ku haya madaxweynaha Soomaaliya oo diidan inuu ka qeyb galo shirka Dhuusamareeb. Ciidamada soo qabtay mas’uulkan nabaddoonka ah ayaa kadib xabsiga ku hayay muddo saacado ah; waxayna markii dambe geeyeen hotelka City Palace ee u dhow xarunta Nabadsugidda iyadoo laga reebay safarkii uu damacsanaa iyo diyaaradii uu ku qornaa.
[ad name=”HTML-2″]
Dad badan ayaa ka xumaaday sida loola dhaqmay C/llaahi Geedi oo looga qaaday xoriyadiisii, waxayna wararku sheegayaan in waanwaan hoose arrinta lagu xaliyay markii ujeedadii laga lahaa la gaaray. Siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka beesha uu ka soo jeedo nabaddoonka ayaa si weyn uga carooday arrintan iyadoo aan la ogeyn tallaabada ay qaadi doonaan.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]