Dabley hubeysan ayaa degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose maanta ku dishay Nabadoon caan ah.
Dableyda oo Bistoolado ku hubeysnaa ayaa xaafadda Ceelqode ee Degmada Afgooye, ku toogtay Nabadoon lagu magacaabo Nuuradiin Cabdullaahi Aweys oo ka mid ahaa odayaasha Degmada Afgooye ee sida weyn loo yaqaan.
Wararka ayaa sheegay in dableyda ay dhowr xabadood ku fureen nabadoonka, ayna goobta ka baxsadeen markii uu geeriyooday, iyadoo aan la ogeyn cidda falkan geysatay iyo ujeedada dilkiisa.
Ciidamada Dowladda ay tageen goobta tegay kadib falka dilka ah, lamana soo werin dad loo soo qabtay falkan. Hore waxaa isal degmada loogu dilay odayaal nabadoonno ah, iyadoo aan cidna loo qaban.
Goobjooge