Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in deegaanka Lafoole ee degmada Afgooye
ay kooxo hubeysan ay xalay ku toogteen Nabadoon caan ka ahaa degaankaasi.
Nabadoon C/rashiid Xasan ayaa la sheegay in laba koox oo dalbey ah ay toogteen, kadibna ay goobta ka baxsadeen, sida ay soo weriyeen dadka degaankaasi
Ma jirto wax war ah oo Maamulka gobolka Shabeelaha ay kasoo saareeb Nabadoonka la dilay, waana nabadoonkii labaad ee toddobaad ay toogtaan kooxda Alshabaab.
Goobjooge.com