Koox hubeysan ayaa dil ka geysatay degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelada Hoose.
Nabadoon caan ak ah degmada Qoryooley oo lagu magacaabo Sheekh Ibraahim Kaba-cadde, ayaa lagu toogtay xalay albaabka Masid uu ku soo tukaday Salaaddii Maqrib.
Koox hubeysan ayaa rasaas ku furay, isagoo halkaasi ku geeriyooday nabadoonka, waxaana goobta ka baxsaday raggii dilka gaystay oo laba dabley ahaa.
Ciidamada Booliska Qoryooley oo baaritaan ku dhaqaaqay dilkaasi kadib ayaan ku guuleysan inay soo qabtaan kuwii falkaasi ka danbeeyay.
Taliyaha Saldhiga Booliska ee Degmada Qoryooley, Cali Maxamed Aadan (Cali Waal), ayaa lagas oo xigtay inuu kooxda Al Shabaab ku eedeeyay dilay Sheekh Ibraahim Kaba-cadde.