Tuesday, June 24, 2025

Nabadoon Xaad oo Qeylo kasoo saaray Xaaladda Taliyihii Danab, Digniin culusna u diray Madaxtooyada Somaliya

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa digniin culus u diray madaxda sare ee dowladda Federaalka, gaar ahaan Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna ku dhaartay inay tallaabo laga shallaayo ka kulmi doonaan kuwa abaabulaya shirqool ka shan ah taliyihii Danab Ismaaciil CabdiMaalik Maalin.

Nabadoonka ayaa caddeeyay inay soo gaartay in la doonayo in lagu xiro Xabsiga Dhexe caawa ujeedkuna yahay in Shabaabka ku jira Xabsiga Dhexe ay dilaan. “Waxaan cod dheer ku sheegeynaa oo aan la gabaneynin.. haddii ninkaasi wax gaaraan saameyn ay ka shallaayaan ayaa kasoo gaari doonta ragga shirqoolkaasi ka shaqeynaya..” ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Wuxuu sheegay in Ismaaciil loo beegsanayo qabiil ahaan, isla markaana aan dowladnimo laga rabin Villa Somaliya, wuxuuna madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inuu dembi u raadinayo Sarkaalkaasi.

Yuu u xiran yahay Taliyii Ciidamada Kumaandooska Danab..? (Kaalinta Madaxweyne Farmaajo ku leeyahay)

“Waan xishooneynaa.. wallaahi haddii ay arrintaasi sidaas ku fusho.. saameyn ay ka shallaayaan ayay ku yeelan doontaa… waxaan ballan qaadeynaa Xamar in laga sameeyo mudaaharaadyo ay ka naxaan..” ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Xariga Taliyihii Danab ayaa xaaladiisu mugdi hareeyay, wuxuuna in muddo ah ku xirnaa Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo Madaxweyne Farmaajo la sheegay inuu u raadiney dembi uu xilka uga qaado.

HOOS KA DAAWO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON