Wednesday, July 2, 2025

Yuu u xiran yahay Taliyii Ciidamada Kumaandooska Danab..? (Kaalinta Madaxweyne Farmaajo ku leeyahay)

Taliyihii ciidamada kumaandoosta Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa shaqadii laga joojiyey muddo bil ku dhowaad ahna laga joojiyey wax dhaqdhaqaaq ah, sababo aan la ogeyn dartood.

Kiiska shaqo ka joojinta Ismaaciil Cabdimaalik oo hadda ku xiran Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho ayaa mugdi badan hareeyay, waxaana arrintan la sheegay inuu Mareykanka il gaara ku hayo maadamaa uu sarkaalkan kusoo tababartay Mareykanka, isla markaana wada-shaqeyn dhow la lahaa, si fiicana u gutay waajibaadkiisa.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in Madaxweye Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ka danbeeyay xariga Gaasnaahle Ismaaciil C/maalik, isagoo doonayey inuu xilka ka qaado kuna bedelo mas’uul uu isagu watay, balse ay arrintaasi uu caqabad ku noqday Mareykanka oo ka hor yimid arrintaasi.

Odayaal iyo Waxgarad u tegay Madaxweyne Farmaajo si ay arrintan wax uga weydiiyaan ayuu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo waxa lagu heysto, isagoo ku dooday inay tahay arrin ciidan oo uu baarayo, taasoo aysan ku qancin odayaashaasi kasoo jeeday Beesha Sarkaalka.

Madaxweyne Farmajo ayaa lagu eedeeyay inuu xilliga kala guurka ah isbedello badan ku sameeyay saraakiisha ciidamada, iyadoo arrintan sarkaalkan ay ka mid tahay arrimaha soo shaac baxay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON