Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Nabadoon Axmed Diiriye Cali uu caawa ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.
Nabadoonka ayaa ka mid ahaa kuwa ugu caansan Koonfurta Soomaaliya, isagoo muddooyinkan xanuunsanaa ayuu caawa ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana tacsi u diray madaxda dowlada Soomaaliya.
Allaha u naxariistee Nabadoonka ayaa lagu xusuustaa halgankii uu la galay ciidamadii Itoobiyaanka ee Muqdisho qabsaday iyo dowladii C/llaahi Yuusuf, isagoo mar lagu xiray Saldhigga ciidamadii Itoobiya ee magaalada Baydhaba.