Guddiga doorashooyinka jamhuuriyadda iskeed madax banaanida ugu dhawaaqday ayaa maanta la filayaa in ay ku dhawaaqaan natiijada doorashadii madaxtinimo ee dhacday 13-kii bishan novembar.
Wararka ayaa sheegaya in xaaladda ay degan tahay, inkastoo ay jirto xiisad ka dhalatay xisbiga mucaaradka ee Waddani oo qaadacay natiijada iyadoo guddoomiyaha iyo mushraxa xisbiga uu xalay shaaciyay inaysan aqbali doonin wixii sharci daro iyo doorasho aan xalaal ahayn.
Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa hore u sheegay in uu wadashaqayntii kala laabtay guddiga doorashada , waxaana arrintan ay keentay inay walaac badan ka muujiyaan dadweynaha Somaliland.
Shaacinta Natiijada doorashada ayaa qaadatay muddo 7 maalmood ah, taasoo ay ugu wacan tahay qancinta xisbiga mucaaradka ah ee Wadani, taasoo hadda u muuqata in lagu guuldarreystay, waxaana la wada sugayaa in Guddigu ku dhawaaqo madaxweynaha cusub ee Somaliland inuu yahay Muuse Biixi Cabdi oo xisbiga talada haya ee Kulmiye musharax u ahaa.