Thursday, June 8, 2023

Natiijadii ugu horeysay ee Doorashada Turkiga iyo Madaxweyne Erdogan oo ku horeeya

Waxaa Dalka Turkiye ka socota tirinta codadka Doorashada Guud, iyadoo uu tartan adag dhex marayo Madaxweynaha dalkaasi Recep Tayyip Erdoğan iyo musharaxa Mucaaradka Kemal Kılıçadorğlu.

Dadkii ugu badnaa ayaa Doorashada isugu soo baxay, waxayna gaareen in ka badan 85%, waxaa codeeyay ilaa 60 Milyan oo ruux, iyadoo ay is daba joog ah usoo baxayaan natiijada codeynta Madaxweynaha iyo Baarlamaanka.

Ilaa hadda waxaa la tiriyay 77% codadka la dhiibtay oo ka bar ku dhow, waxaana ku horeeya Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan oo heysta 50.6% halka Musharaxa la loolama uu helay 43.6%.

Ad

Natiijada ilaa hadda soo baxday ayaa ah hordhac, waxaana la saadaalinayaa in si aad ah la isugu dhowaan doono, haddii aanay dhicin in lagu kala bixi waayo oo ay noqoto in loo baahdo wareeg labaad.

Caawa saqda Dhexe ayaa la filayaa in la helo natiijada rasmiga ah ee Doorashada Turkiga oo xiiso gaara leh, waxaana isha ku haya dalal badan oo Turkigu saameyn ku leeyahay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!