Waxaa guud ahaan dalka Ingiriiska si weyn looga naxay geerida qofkii ugu da’ yaraa ee dalkaasi u geeriyooday cudurka Coronavirus oo noqday wiil Somali-British ah.
Ismaaciil Maxamed C/wahaab wuxuu ahaa ciyaal iskuul ah oo 13 sano jir, isla markaana aan lahayn xaalado caafimaad iyo cudurro kale, waxaana lagu arkay calaamadaha cudurka Coronavirus, sida ay sheegeen qoyskiisa, waxaana la dhigay isbitaalka Kings College markii ay dhibaato ku noqotay neefsashada, halkaasoo xaalad degdeg la geliyey, laguna xiray qalabka neefta u sahla jirka, laakiin nasiib darro wuxuu cudurka u dhintay shalay.
Qoyska Ismaaciil Maxamed oo dageanaa xaafadda Brixton ee magaalada London ayaaney u suuragelin inay arkaan wiilkooda waqtigii ugu danbeeyay ee noloshiisa, iyadoo ay lama filaan ku noqotay geeridiisa, waxayna diideen inay muuqaalkiisa la wadaagaan saxaafadda Ingiriiska, iyadoo dhowaan uu cudurka Cancer-ka u geeriyooday Aabahood.
Lacag badan ayaa lagu yaboobay Bogga lacagaha lagu diro ee GoFundMe oo lagu baahiyey in kharash dhan 4000 Ginni loo baahan yahay aaskiisa iyo taageerada qoyska uu ka baxay, laakiin dad badan ayaa lacag ku yaboobay iyado lacagtaasi ay gaartay in ka badan 50’000 Genni xilligan.
Geerida Ismaaciil ayaa timid iyadoo shalay ay Ingiriiska u ahayd maalin la diiwaan geliyey dadii ugu badnaa ee u geeriyooday cudurka coronavirus, waxayna dadka u dhintay gaareen 381 qof.