Magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa noqotay halka ugu badan dunida ee uu saameynta ku yeeshay cudurka Coronavirus, isagoo ku dilay dad ka ku dhow 5000 qof, ayna guud ahaan cudurka qaadeen in ka badan 161,000.
Warbixintii ugu danbeysay ee magaalada New York ayaa sheegeysa in 24-kii ee ugu danbeeyay Coronavirus laga helay 7521, waxaana ugu dhintay 518 qof, taasoo ka dhigan in guud ahaan tirada qabta cudurka magaaladaasi ay gaartay 161,807, halka ay u dhinteen xilligan 5,150.
Arrintan waxay muujineysaa in kaliya magaalada New York ay ka sare martay dalka Shiinaha marka la eego tirada dadka cudurku soo ritay iyo dadka u geeriyooday.
Dalka Mareykanka waxaa cudurka guud ahaan ugu geeriyooday 16,600 qof, halka ay sidaan dad ku dhow 470,000 qof.
Meydadka aanay cidna soo sheegan ama dadkooda aysan heysan kharash ay ku aasaan dadka Coronavirus ugu geeriyooday magaalada New York ayaa lagu aasayaa jasiirada Hart Island oo hore loogu aasi jiray meydadka.
Guddoomiyaha magaalada New York Andrew Cuomo ayaa sheegay in geerida ka dhalatay cudurka Covid-19 ay aad uga badan tahay dadkii uga dhintay weerarkii 9/11, wuxuuna intaas ku daray inaysan jirin wax tallaabo ah oo ay qaadi karaan oo aan ahayn in la sii wado dagaalka ay kula jiraan cudurka.